baa la yiri
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baa la yiri
vl. [expression] so it is said, so they say
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baa_la_yiri
de: so it is said, so they say
lx: baa la yiri
ps: v4a-expr
key: baa_la_yiri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiin
(Fiin-ta)
1. Shinbir ci gaar ah oo la wada yaqaan leh: waxay ka cidaa baa la yiri, wax dhici doona (col, roob, ...); galow; dhebed.
2. (buuro; kuudad, kd.) meesha ugu dheer; baar; caarad.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
baalka bidix
left winger
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
baalka midig
right winger
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baallayn
m.f.dh eeg baallee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhinac jirid; doc xigid. Baallaynta iga daayoo dhexda soo joogso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baallays
-ka: (magac, lab, keli) eeg baallayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baasaysi
m.l la-mid: baasaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baasaysi
m.l Wax shar leh aaminid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baasaysi
- ga: (n) pessimism (pese miizem); a negative approach ~ baase-ha
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baasaysi
-ga: (magac, lab, keli) rumayn la rumeeyo in shay uu mar walba xumaan horseed u yahay. Baasaysiga qambaarku waa xujo aan daliil loo hayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baayaysi
-ga: (magac, lab, keli) hadal naxariis iyo ka naxsasho ku lammaan tahay oo gabdhaha lagu sabo kana dhigan 'walaal'. Dh: beerlaxawsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baayirid
m.f.dh eeg baayir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baayirid
-da: (magac, dhedig, keli) naaxitaan iyo cayilid. Dh: baayiris, baayiritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baayiris
-ta: (magac, dhedig, keli) cayilitaan iyo naaxis. Dh: baayirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballaari
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax, wax ballac leh ka dhigid. 2. Wax, wax waasac ah ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ballaari
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax, wax ballac leh ka dhigid. 2. Wax, wax waasac ah ka dhigid. m.f.dh, ballaarin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ballaari
v. widen, broaden, enlarge
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ballaari
-yey -say: (n) expand (ikis pandh); make greater in size, volume, quantity, or scope; enlarge, widen, broaden ~ ballaadhi. Ex: hawadu way ballaarataa markii la kulluleeyo [kulayliyo]; air expands when heated
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaari
(fal) eeg balaadhi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ballaari
a: ballaadhi
de: widen, broaden, enlarge
lx: ballaari
pd: (ballaariyey)
ps: v2a=
key: ballaari
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kala eri
v., [compound] drive away, disperse, dispel, expel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalayari
-da: (magac, dhedig, keli) buuq yaraan; nefis ahaan. Dh: qalyari, nafis. Li: qalo, buuq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baabasiir
m.l (daawo) Jirro ku dhacda malawadka qeybtiisa danbe oo leh finan dhaliya cuncun badan. la-mid: bawaasiir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baabasiir
m.l (daaw.) Jirro ku dhacda malawadka qeybtiisa danbe oo leh finan dhaliya cuncun badan. la-mid: bawaasiir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baabasiir
m. n. hemorrhoids
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baabasiir
-ka: (n) hemorrhoid (hemarooyd); piles (paaylzi) ~ baawasiir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabasiir
-ta: (magac, dhedig, keli) qanjidh xanuun ah oo siyaabo kala duwan futada ama walamadka uga soo baxa oo cidda uu ka soo baxo laga jeexo. Cali baabasiir ayaa laga gooyay. Dh: mabaasiir, babaasiir, bawaasiir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baabasiir
bw: Arabic
de: hemorrhoids
lx: baabasiir
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: baawasiir
key: baabasiir
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
baabasiir
باسور
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baalashid
m.f.dh eeg baalash². la-mid: baalasheyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baawasiir
(Baawasiir-ka)
Barar iyo nabarro xanuun iyo cuncun badan oo malawadka afkiisu yeesho, badanaana dhiig ka yimaado; (ama baabusiir).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baawasiir
m.l la-mid: bawaasiir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baawasiir
m.l la-mid: bawaasiir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baawasiir
m. n. hemorrhoid; hemorrhoids, piles
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baawasiir
-ta: (magne, dhedig, keli) nabarre cuncun, barar iyo xanuun badan oo malwadka at siisa kasoo baxa, inta badanna dhiig ka yimaaddo. Walle nimay baawasiir haysaar barbar u fadhiisan waayin. Dh: haawaasiir, baabusit, mabaasiir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baawasiir
a: baabasiir ~ baabusiir
bw: Arabic
de: hemorrhoid; hemorrhoids, piles
lx: baawasiir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: baawasiir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banaadiri
-ga: (magac, lab, keli) maro gacanta lagu suubbiyo ama lagu sameeyo oo caan ku ah Gobolka Banaadir. Banaadiri ninmaan qabin miyuu boqorka ii raaci! Dh: alayandi, alandi, aliindi.
banaadiri -ga: (magac, lab, keli) guud ahaan hiddaha iyo dhaqanka Banaadir sida ciyaaraha ama lahjadda, masraxa iyo dharka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baylahtir
-ka: (magac, lab, keli) daranyada ka dhabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kala bixi
v. separate, divide (into groups); classify
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kala bixi
-yey / say: (v) unroll (anrool); stretch (istareej); open something rolled up ~ fidi
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kala fidi
-yey / say: (v) stretch (istareej); unroll (anrool) ~ kala bix
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaqaayir
-ka: (magac, lab, keli) hanjabaad ama xaqiraad isha iyo xirribaha laga sameeyo iyaga oo kolba dhan loo dhaqdhaqaajinayo. Dumar is khilaafay qaaqaayir ma daayo. Dh: khaakhaayir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarbaarri
(fal) si nabad iyo degganaansho leh u soco; si xarrago ah u soco. Ninkii ladan baa baarbaarriyee, miyaan Barniyey hurdo beegsanaayaa. Dh: tamashlee, daanshadaanshoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaalatir
-ka: (magac, lab, keli) wax balalooday oo buka balalada ka daawayn. Dh: balalotir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haf ka sii
v. cut in one blow; consume all at once; drink in one gulp
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaw ka sii
v. kill, finish off someone
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qab ka sii
v. strike two objects together to produce a loud noise; close
qab ka sii v. take a big gulp of something
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
baalka hore
wing forward
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaqaayirid
-da: (magac, dhedig, keli) khaakhaayir samayn oo indhaha iyo wejiga ka huruufid. Dumarku qaaqaayirid ayay isku caayaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u kala tiri
v. insult, berate, call someone bad names
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Baraf cabbire
Snow-gauge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khaakhaayirid
-da: (magac, dhedig, keli) indhaha baadadkooda kor iyo hoos u dhigdhigid, iyadoo cid kale lagu maagayo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wax aan jirin
(adj) nonexistence (nan-ig-ziis-tansi); something that does not exist ~ walax aan jirin